90-Day E-Book Challenge

Diyaar ma u tahay inaad nala dhisto Mustaqbalkaaga?

Anaga oo ah Salah Naaleye iyo Daahir Hassan, waxaan maanta bilownay safar 90 maalmood ah oo aan ku gaarsiinayno buugaagteena dijitaalka ah (E-Books) akhristayaasha Soomaaliyeed ee jooga meel kasta oo caalamka ah.

Safarkani ma aha oo keliya iibinta buugaag; waa socdaal aqoon, horumar, iyo rumoobinta riyooyin waaweyn. Buug kasta oo aad iibsato wuxuu kuu furayaa albaab cusub oo aqooneed, wuxuuna taageerayaa laba qoraa oo ku hamminaya inay saamayn wanaagsan ku yeeshaan bulshada. ✍️✨

Maxaad ka faa'iidaysaa buugaagtan?

  • Aqoon kororsi iyo xirfado noloshaada wax ka baddala.
  • Fikirro cusub oo kugu dhiirigeliya horumarkaaga shaqsiyadeed.

Nala soco 90-ka maalmood ee soo socda, akhri buugaagteena, qaybna ka noqo sheekada guusheenna!

Nagu saabsan

Aniga iyo saaxiibkay Daahir, waxaan sannooyinkii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan uga qaybqaadanay arrimaha akhris-qoraalka; annagoo soo saarnay laba buug oo si guud uga hadlaya horumarinta nolosha iyo dhiirrigelinta (Dhisaha Nolosha iyo Sirta Gorgorka). Buugaageenu dhowr magaalo oo ay Soomaalidu degto ayay horay u gaareen iyagoo daabacan (Hardcopy).

Hadda, waxaan go'aansannay inaan muddo 90 maalmood ah qabanno tartan (Challenge) aan buugaagteena ku iibinayno hanaan dijitaal ah (E-books). Waxaan doonaynaa in ay buugaagteenu 90-kaas maalmood gaaraan boqolaal kun oo qof.

Waxaan marti idinkaga nahay inaad naga qaybqaadataan safarkan cusub, oo aad buugaagtanada naga iibsataan, si aad noogu dhiirrigelisaan inaan ka helno dhaqaale aan nolosheena iyo tan qoysaskeena ku maareyno.

Fadlan buugaagtayada iibso, qaybna ka noqo safarka guushayada!

Buugaagteena iibso

Buugaagteena iibso, safarka guusheenna qayb ka noqo

Testimonials

Farriinta Akhristayaasha

Waxaan rabaa inaan kuugu mahadceliyo buugga “Sirta GorGorka” oo runtii iga dhaxalsiiyay aqoon iyo aragtiyo badan oo muhiim ah. Waxaan si gaar ah kuugu hambalyeynayaa dadaalka iyo hal-abuurkaaga qiimaha leh.

★★★★★
Sahal Kassim Awow

Walaal waxaan dhammeeyay buugga Sirta Gorgorka. Waxaan ka faa'iiday in aan lays dhiibin. Oo nolosha markasta horey loo socdo. Sidoo kale wuxuu igu dhaliyay in aan noqdo qoraa iyo hal-abuure.

★★★★★
Cabdullahi Amiir

News letter

Ku biir kooxda akhristayaasha

Hel buugaag cusub, qiimo dhimis gaar ah, iyo qoraallo akhris — marmar.

Spam ma jiro. Waad iska bixi kartaa wakhti kasta.