90-Day E-Book Challenge

Day 21 of 90

Target: 996 left of 1000

Nagu saabsan

Annagoo kala ah Salah Naleeye iyo Daahir Hassan, waxaan haysanaa shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda, waxaana nahay laba qoraa oo dhalinyaro ah oo u heellan horumarinta bulshada iyo dhiirrigelinta nafta. Waxaan soo saarnay laba buug oo si gaar ah diiradda u saaraya kobcinta shaqsiyadda iyo dhisidda mustaqbal ifaya:

Buugga: Dhisaha Nolosha: Waxaa qoray Salah Naleeye, buuggan wuxuu udub-dhexaad u yahay hababka cilmiyeysan ee qofku uu ugu horumarin karo naftiisa, isagoo bixinaya xirfado muhiim ah oo qofka ka caawinaya inuu dhisto shaqsiyad adag oo guul gaarta.

Buugga: Sirta Gorgorka: Waxaa qoray Daahir Hassan, buuggan wuxuu xikmad qoto dheer ka soo xiganayaa nolosha iyo sifooyinka gorgorka—oo ah xayawaan leh awood, aragti dheer, iyo go'aan qaadasho sare—isagoo cashirro waxtar leh oo ku saabsan nolosha bini'aadamka ka dhex-saaraya tusaalooyinka gorgorka.

Buugaagteenna oo horey u gaaray magaalooyin badan oo Soomaalidu degto, waxaan hadda go'aansannay inaan u guurno dhanka dhijitaalka (E-books). Waxaan billownay tartan 90-cisho ah oo aan ku doonayno inaan aqoontan gaarsiinno boqolaal kun oo qof oo raba inay noloshooda beddelaan. Waxaan kugu martiqaadaynaa inaad nala qaadato safarkan oo aad buugaagtanada naga iibsato, taas oo noo noqonaysa dhiirrigelin iyo dhaqaale aan ku maareyno nolosheena iyo tan qoysaskeena.

Testimonials

Farriinta Akhristayaasha

“

Waxaan rabaa inaan kuugu mahadceliyo buugga “Sirta GorGorka” oo runtii iga dhaxalsiiyay aqoon iyo aragtiyo badan oo muhiim ah. Waxaan si gaar ah kuugu hambalyeynayaa dadaalka iyo hal-abuurkaaga qiimaha leh.

★★★★★
Sahal Kassim Awow
“

Walaal waxaan dhammeeyay buugga Sirta Gorgorka. Waxaan ka faa'iiday in aan lays dhiibin. Oo nolosha markasta horey loo socdo. Sidoo kale wuxuu igu dhaliyay in aan noqdo qoraa iyo hal-abuure.

★★★★★
Cabdullahi Amiir

News letter

Ku biir kooxda akhristayaasha

Hel buugaag cusub, qiimo dhimis gaar ah, iyo qoraallo akhris — marmar.

Spam ma jiro. Waad iska bixi kartaa wakhti kasta.